Gudoomiyaha Aqalka Sare oo lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa maanta  u diiday Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi in uu ka dhoofo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Xildhibaanada Aqalka Sare oo goordhow kulan deg deg ah isuyimid ayaa Cambaareeyay falka lagula dhaqmay Madaxda Aqalka Sare.

ka dib dadaal dheer oo ay muujiyeen xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ugu dambeyntii waxa ay ku guuleysteen in gudoomiyaha la siidaayo oo uu dalka ka dhoofo.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka dalbaday ciidamada AMISOM in ay jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan Xanibaada lagu sameeyay Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad ayaa cambaareeyay falka lagula dhaqmay Gudoomiyaha Aqalka Sare, waxaana uu sheegay in ay qaadi doonaan tilaabooyin arintaasi wax looga qabanaayo.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ay u sheegeen in gudaha garoonka loo ogol yahay in ay ciidan la galaan Saddex Mas’uul oo kaliya.