Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Mudanayaal ka tirsan Barlamaanka ku sameeeyey Shaqa joojin iyo in aysan kasoo qeyb gali karin Kalfadhiyada Golaha.

guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa fadhiyada iyo gunada ka joojiyey 3-Xildhibaan, oo kamida Xildhibaanada Galmudug ka dib markii lagu eedeeyey inay Dastuurka ku xadgudbeen

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa warqad uu soo saarey mushaarka uga joojiyey sedax Xildhibaan oo dhamaantood deegaan doorashadoodu tahay Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Xildhibaanadan ayuu amrey in aysan imaan karin fadhiyada golaha, isla markaana ay kiiskooda soo cadeynayaan hey’addaha Garsoorka Galmudug.

 

Xildhibanadaan ayaa lagu edeeyay Carqaladeynta Habsami usocodka Golaha, gacan qaad iyo Sumcad dilka Golaha Sigaar ah fadhigii 4aad kalfadhigii 7aad sida lagu sheegay warqada kasoo baxday Gudoomiye Galcal.

 

Xildhibandaan ayaa kala ah

Xildhibaan Abdi Qadar Juun barre

Xidhibaan Feysal Ahmed Abdulle

Xildhibaan maxamed mirre Ahmed

Qilaafka soo gala dhex galay xumnhaan iyo gudoonka ayaa salka ku haaya sida aan xogta ku helnay ansixinta Hindise-Sharciyeedka Xakameynta Hubka oo dhawaan . Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug Mudane Maxamed Cabdi Adan (Gaboobe) uuu Baarlamaanka Galmudug ka hor Akhriyey Sharciga Xakameynta Huba oo ay soo diyaarisey Wasaaradda Amniga Galmudug balse Xildhibandaan ay ka biyo dideen

xariiro aan lasameynay xildhibandaan wali nooma aysan suurta galin in ay kajwabaan wicitaankeena balse, xildhibaan Feysal Gacameey oo kamid ah xubnaha warqadani ku socoto ayaa hadalka gudoomiyaha uga jawaabey qoraal u qornaa sida tan “Mudane Gudoomiye Gacal maadaama aadan aheyn canshuur bixiye, aadna qaadatit mushaar xad dhaaf ah qofna kama jari kartit Mushaar.