Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Soo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb+ Sawirrada

Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug  Cali Gacal Casir oo ay qeyb ka ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka galmudug Maxamed Axmed Maalin iyo Tiro xildhibaano ah.

Masuuliyiintaan ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada dhuusamareeb,iyada oo amniga Magaalada Maanta si aad ah loo ilaalinayay.

Imaatinka Gudoomiye casir ayaa si baaxad leh looga dareemey magaalada dhuusamareeb waxaana iskusoo baxay maanta boqolaal dadweyne ah iyadoo la arkayay gaadiidka raaxada oo lagu xardhey calanka soomaaliya iyo sawirada gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug

Gudoomiyaha Cali Gacal Casir oo  la sugayay imaatinkiisa ayaa sheegay in ay ku da’daali doonaan dhameys tirka Heshiiskii la gaaray waxa uuna intaa raaciyey in uu gacan ka geysan doono fududeenta shaqada baarlamaanka sida isku dhafka labada baarlamaan ee Galmudug iyo Ahlusunna iyo ansaxinta Qodobadii lagu heshiiyey oo u baahan in Baarlamaanka la hor geeyo.

Gudoomiye casir ayaa farey xubnaha Baarlamaanka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u yimaadaan magaalada dhusamareeb si ay u gutaan waajibaadka loo igmadey ee saran.