Gudoomiyaha baarlamanka Galmudug Oo loo doortay ismaaciil Cabdule Axmad

Xildhibaanada baarlamanka Galmudug ayaa Maanta magaalada Dhusamareeb ee Caasimda Galmudug Ku doortay Gudoonka baarlamanka Ee maamulka Galmudug.

Xilka gudoonka baarlamanka ayaa waxaa Utartamay sedax mundane oo kala ah.

1 Mundane Aadan Xaaji Xasan Gardheer

2 Mundane salaad Axmad ceynte

3 Ismaaciil Cabdule Axmad

Intaasi kadib Mundane yaasha baarlamanka Galmudug ayaa u codeeyay sedaxda musharax Mundane Aadan Xaaji Xuseen Gardheer ayaa Helay Codad gaaraya 37 Halka Mundane Salaad Axmad Ceynte uu helay codad garaya 5 Cod.

Musharaxa Guuleystay ismaaciil Cabdule Axmad ayaa Helay codad garaya 92 Sidaasi Ayuuna Ku guuleystay isla goobtii ayaana lagu dhaariyay.