Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabeele Oo kulamo kawada Beledweyne

Xilli warar soo baxayay ay sheegayeen in Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Hir-Shabeelle ay wadaan diyaarinta mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa gudoomiyaha waxaa uu Maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaannada Hir-Shabeelle.

Cusmaan Barre Maxamed oo ku sugan Magalada Baladweyne ayaa Maanta waxaa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaannada hir-Shabeelle eek u sugan Magalada Baladweyne, isaga oo kala hadlay arrimno dhowr ah.

“Waxaan Maanta Magaalada Beledweyne kulan Qado ah oo aan uga hadleynay xaaladaha kajira Hirshabelle gaar ahaan Gobolka Hiiran la qaatay Qaar kamid ah Xildhibaanada DG Hirshabelle ee kusugan Beledweyne,waxaan uga mahadcelinayaa talooyinkii wanagsanaa ee kusaabsan xal uhelida Gobolka Hiiran iyo sida ay uga go’an tahay samata bixinta xaaladaha murugsan ee kajiray Gobolka Hiiran ayuu yiri Gudodomiye Cusmaan Barre.

Weli sirasmi ah uma soo shaac bixin mooshinka la sheegay in laga wado  Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle,hayeeshee qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro diyaarinta mooshinka.