Gudoomiyaha Baarlamanka JFS Sheekh Adan Madoobe oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Somaliya u fadhiya Mareykanka.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dalka Mareykanka u jooga Muqdisho Mudane Larry Andrè, oo ay ka wada hadleen guushii laga gaaray dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyo xaaladaha guud ee dalka.

Danjiraha dalka Mareykanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS uga mahadceliyay sida hufnaanta iyo dhexdhexaadinta leh uu u maamulay isl-markaana ku guuleystay gogoshii taalay magalada Baydhabo in si guul ah lagu soo gabagabeeyay