Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb aha Duqa Caasimadda Galmudug mudane Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow” Ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa ku magacaabay Gudoomiyaasha gudiyada joogta ah ee golaha deegaanka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Gudoomiye Geedaqorow oo latashi la sameeyay Gudoomiye kuxigeenka Degmada mudane Abdisamad Salad Aadan”Dr Sanwayne” ayaa dhamaystiray dhismaha gudiyada joogta ah ee golaha deegaanka Magaalada Dhusamareeb kuuwaa oo tiro ahaan unoqonaya 7xubnood
