Gudoomiyaha Cusub ee gobolka banaadir oo Xarunta Dowlada Hoose tagay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee xafiiska sii baneynaya Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Guddoomiyaha cusub ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula yeeshay Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha kala ah; Caafimaadka, Dad-dhigista, Gaadiidka, Gurmadka Deg-Dega, Dhalinyarada iyo xarumo kale oo ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose ee Xamar.
Guddoomiye Maxamed Axmed Amiir ayaa u kuur-galay howlaha shaqo ee ka socda waaxyaha uu maanta booqday, asigoona warbixin ka dhageystay madaxda waaxyaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 10-ka Diseembar 2024 xilka ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), isagoo magacaabay Maxamed Axmed Amiir inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.

Maxamed Axmed Amiir, oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay horumarinta bulshada, maamulka iyo maaraynta, ayaa lagu faray inuu sii wado qorshayaasha horumarineed ee magaalada Muqdisho, isagoo mudnaanta siinaya horumarinta bilicda, adeegyada dadweynaha, doorashooyinka dadweyne iyo amniga caasimadda.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub inuu xilka u guto si hufan iyo daacadnimo leh, isagoo rajeeyay inuu mas’uuliyadda culus ee loo igmaday uu si wanaagsan uga soo baxo​