Gudoomiyaha G/Banaadir oo daahfuray Bandhiga Suuqa weyn ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho kaasi oo sanadkii 4-aad maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Furitaanka Bandhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir Kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Bandhiga Suuq weynaha Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay garab istaaga iyo dhiiragelinta Ganacsatada Soomaaliyeed.
Waxaa uu sidoo kale xusay in Suuq weynaha Muqdisho uu caalamka tusinayo Maalgeshiga iyo Kobaca dhaqaale ee dalka ka jira, loona baahan yahay in Bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan lana dhiirageliyo Ganacsatada yar yar sidii ay usoo bandhigi lahaayeen hal abuuradooda.