Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo digniin u diray dadka ka ganacsada maandooriyaha

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Saldhigga Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa hawlgal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabqabteen hub iyo waxyaabaha maanka daariya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo goobjoog ka ahaa goobta lagu soo bandhigay hubka, ayaa digniin adag u diray dadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in la maxkamadeyn doono dadkii lagu soo qabtay hubka iyo maandooriyaha.

Howlgalkaan ayaa imaanaya xilli ay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed wadeen howlgallo ay kula dagaalamayaan ansha xumada, wax yaabaha maanka dooriyo iyo waxyaalaha Amniga liddi ku ah.