Gudoomiyaha Golaha shacab oo gudoomiyay kulan xasaasi ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay yeesheen xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo dhammaan xubnaha guddiga, waxaana lagu soo bandhigay shintiriska (Jadwalka) ee kulamada u gaarka ah ka shaqeynta dib u eegista dastuurka KMG ah ee JFS oo ay soo gudbiyeen Guddiga La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka BJFS.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunaanadka soo xiray kulanka maanta ayaa ka hadlay ahmiyadda u leeyahay shintiriskan kulamada looga doodi doono dib u eegista dastuurka KMG ah, waxaana uu guddoomiyuhu tilmaamay muhiimada uu dhameystirka dastuurka u leeyahay geedi socodka dhismaha dowladnimada dalka.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in xarunta Villa Hargeysa ay kulan wada jir ah ku yeeshaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ajandaha kulanka uu yahya dib u eegista Dastuurka Soomaaliya.