Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo ku wajahan

Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa saakay ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka Koofur galbeed.

Guddoomiyaha safarka waxa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxa uu la kulmi doonaa Masuuliyiinta Maamulka Koofur galbeed, Xildhibaanada iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaasi.