Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Dabagal ku bilaabay lacagtii loo keydin jiray Xildhibaanada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in uu baaris ku sameynayo lacago sanadihii dambe loo keydin jiray Golaha Shacabka.

Lacagtaan uu sheegay in guddoomiyaha uu baarayo ayaa ah lacag bil walbo laga jari jiray Xildhibaanada oo ah 100 doolar bil walbo.

Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ay fursad siiyaan isla markaana uu soo baarayo ka dibna uu Golaha Shacabka la wadaagayo.

Waxa uu sheegay in uusan aqbali doonin in gudaha golaha uu ka dhaco isdaba marin iyo musuq maasuq soona cadeyn doono lacagaha maqan halka lagu bixiyay.

Shalay ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay shaki geliyeen halka ay ku baxday lacag gaareyso afar boqo iyo afartan kun oo doolar oo  gudaha golaha ku maqan tahay.

Xildhibaanada ayaa guddoonka ka dalbaday in la soo cadeeyo halka ay ku baxeen lacagaasi iyo sida loo maamulay.