Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo ku dhawaaq day buuxinta kursi ka banaan golaha shacabka

  • Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maanta waxa ay shaaciyeen in la buuxinayo kursi ka banaan golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Kursigan oo degaan doorashadiisa ay tahay Puntland ayaa waxaa 6-dii bishan September iska casilay xildhibaan Daahir Cali Faarax oo loo yaqaano Dhahar.

    Guddiga ayaa faray oday dhaqameedkii ku jiray liiska 135-ta Oday ee Kursigan banaanaaday matala inuu soo gudbiyo liiska 51 Ergo ee dooran doonta kursigan muddo 7 cisho gudahood.

    Xaliima Ismaaciil Xaliima Yare), guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ayaa musharaxiinta u tartameysa kursigan ku wargeliyay inay isa soo diiwaan geliyaan laga bilaabo 22-ka bishan kuna egtahay 29-ka bishan September.