Xildhibaan Hassan Hersi Hashi Gudoomiyaha Gudiga Amniga Baarlamaanka DGG ayaa maanta warbixin ku saabsan Xaalada Amniga iyo ka xoreynta Kooxaha Khawaarijta deegaanada ay ku sugan yihiin ka hor jeediyay Golaha Baarlamaanka Galmudug.
Xildhibaanka ayaa ka warbixiyay Halka ay marayaan Xoreynta degaanada Galmudug gaar ahaan Degmooyinka Bari ee Gobolka Galgaduud iyo koonfurta Mudug ee cadawga Alshabaab uu heesto sido kale waxa uu sheegay in Demooyin badan oo Ka tirsan Galmudug laga xoreeyay Cadawga taasi oo ku guuleysteen Ciidamada geesiyaasha Qaran, Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayada oo taageero buuxda ka helay dadka deegaanka.
Xildhibaan ka ayaa sheegay in kooxahaan Nabadiidka ay dadka u geysteen dhibaatooyin kala duwan sida ceelashii iyo Barkadihii in ay duugeen halka qaar kalane ay gubeen isla markaasna ay muhiim tahay in shacabweynaha iyo Madax iska kaa shadaan Ladagaalanka Cadawga Argagixidda.
Ugu danbeyntii, Xildhibaanka ayaa ku booriyay in la garab istaago dadka Shacabka ee ay dhibaatada ugeysteen Cadowga sida in loo gurmado kuwooda kasoo carraray Khawarijta ee soomiciin biday deegaanada Xorta ah, dhan kale Xildhibaan Xasan ayaa dadka deegaanka aad ugu Amaanay sida ay iskaga celiyaan Kooxaha Cadawga Soomaaliyeed ee ku soo doolay Dalka iyo Diinta.
