Gudoomiyaha Hay,adda Sodma oo gaaray baydhabo.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA loosoo gaabiyo Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin isugu jirta heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed ayaa soo dhaweeyay wafdiga Guddoomiyaha Hay’adda SODMA waxaana ay is dhaafsadeen xogo iyo macluumaad la xiriira xaaladaha dadka barakacayaasha.

Maxamuud Macallin Cabdulle, Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ayaa u kuurgalaya xaaladda ay ku sugan yihiin qoysaska barakacayaasha ah ee u nugul halista ay dhowaan ka digtay SODMA.

Wasiirka Gargaarka ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa dhankiisa waxa uu faah-faahin la xiriirta xaaladda nololeed iyo diyaargarowga Dowlad-Goboleedkaas uu sameeyay la wadaagay Guddoomiyaha Hay’adda.

Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dhankiisa ballanqaaday in kaalintooda ay ka qaadanayaan badbaadinta Dadka dhibaataysan ee xaaladaha adag wajahaya sidaas awgeed ay Hay’adda SODMA samaysay la socodka dhaqdhaqaaqyada jira.