Gudoomiyaha labada Aqal OO LakulmayWafdi ka socda EU

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Maanta kulan la qaatay Masuuliyiin kasocday EU-yada.

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Mudey iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta kulan la qaatay Wafdi Heer-sare ah oo uu Hogaaminayay Stefano Manservisi iyo Masuuliyiin kale.

Kulankan ayaa Ka dhacay Xarunta Guddiyadda iyo Guddoonka Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ayaa looga hadlay Wada-shaqaynta labada dhinac Waa EU-da Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulanka Ka hadlay ayaa kaga Mahadceliyay Masuuliyiintii ka socday EU-da Sida ay diyaarka ugu yihiin taageerida Dowlad-nimada Soomaaliya.