Gudoomiye Cabdi Xaashi Oo La Kulmay Wakiilka QM Ee Soomaaliya

Kulankaan ay wada qaateen Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa waxay uga hadleen dastuurka iyo howlaha aqalka sare.

Kulanka oo saxaafadda dibad joog ay ka ahayd,ayaa markii uu soo gaba-gaboobay waxaa saxaafadda la hadlay habdhooraha Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Kaafi Macalin Xasan, waxa uu sheegay in arrimaha dastuurka iyo furitaanka fadhiyada aqalka sare looga hadlay kulanka, iyaddoo Ergayga gaarka ee Q.M ee Soomaaliya ay tahay markii 3aad ee kulan uu la qaato Guddoonka Golaha Aqalka sare.

Dhinaca kale Xarunta Golaha Aqalka sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa kulan ku lahaa xubnaha guddiga la socodka iyo dib u eegista laba gole baarlamaanka JFS, iyaddoo kulankaasi uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista laba gole mudane Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waxaana laga doodayay oo qodob qodob loo dul istaagayay qabyo qoraalka dastuurka, kulankana waxaa ku sugnaa xubno ka socday dowlad goboleedyada oo xubno ka noqonaya guddiga sida warbaahinta uu u sheegay Sen, Xuseen Sheeq Maxamuud xoghayaha guud ee guddiga la socodka iyo dib u eegista laba gole baarlamaanka federaalka Soomaaliya.