Gudoomiye Cali kacal Casir oo loogu baaqay in uu yimaado Magaalada Dhuusa-mareeb

Waxaa magaalada dhuusa-mareeb lagu soo gebagebeeyay kulan kii Ay lahaayeen mudana yaasha baarlamanka galmudug iyadoona kulanka ay maanta soo xaadireen xildhibaano tiradooda gaaraysa 137 xubnood.
Xildhibaanada ayaa ka doodaya mooshinka ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir xildhibaanada ayaa soo saaray go’aan ay sheegen in gudoonka baarlamanka galmudug in uu sideg deg ah kuyimaado Magaalada dhuusa-mareeb.

Shalay ayay aheyd markii xildhibaano gaaraya 89 mudane ay mooshin ka dhan ah gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir u gudbiyeen gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka galmudug Xareed Cali Xareed, inkastoo gudoomiyaha isaga uu ka horyimid arintaasi.