Gudoomiye jawaari Ra ‘iisul wasaare Kheyre Waxa uu latashday Kuwii bur buriyay baarlamaankii 8aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa habiinkii xalay ahaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa, wuxuuna ka hadlay xaalado badan oo la xiriira Mooshinka laga keenay, khilaafka siyaasadeed ee dalka iyo arrimo kale.

”Dalkan meel fog baa laga keenay, dad badan ayaa u soo geeryooday, dadka qaar rajo beel ayaa ku dhacay, laakiin waxaan soo gaarsiinay nidaam daahfuran, waxaana muujinay in Soomaaliya ay leedahay Baarlamaan cadaalad leh, shacabka Soomaaliyeed marqaati ayay ka yihiin.” Ayuu yiri Jawaari.

Wuxuu sheegay Baarlamaanka inuu yahay Hooyada dhaleysa dhammaan Madaxda kale ee Dowladda, kana turjumayo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay agabka xildhibaanka la siiyay ee uu wax ku ilaalinayo inuu yahay soo jeedin ama Mooshin, arrintaasina uu sameyn karo oo kaliya marka uu tuhun galo.

Prof. Jawaari sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye hadii Mooshin laga keeno in lagu dhameeyo 10 berri, kadibna 15 berri gudahood lagu doorto mid kale, Ra’iisul Wasaare hadii laga keenana lagu dhameeyo 5 maalmood, taasi ayuu sheegay in looga gol leeyahay howlaha dalka in aysan xayir min.

Wuxuu sheegay weli in aysan dhicin in xarunta Baarlamaanka la dul dhigo Ciidan, aysana qurux badneyn in lagu xad gudbo xurmada Golaha Shacabka, wuxuuna ku baaqay in Ciidamada laga dul qaado xarunta Golaha Shacabka.

Gudoomiye Jawaari ayaa xildhibaanada xusuusiyay in looga baahan yahay in ay ilaaliyaan danta guud ee dalka, sidaas darteedna laga doonayo qof walba inuu xilkiisa u guto si daacadnimo leh oo ay ku jirto Alle ka cabsi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan wanaagsaneyn in burbur ay gasho Dowladda, wuxuu sheegay in Khayre uu yahay nin wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, balse maalmahan dambe uu ka talo qaato rag uu sheegay in ay ku taqasuseen burburinta Baarlamaankii Sideedaad, wuxuuna ka dalbaday inuu ka fogaado raggaasi.

”Khayre waa nin fiican oo shaqo yaqaan ah, hase yeeshee maalmahan damba wuxuu ka talo qaataa Engineeradii ku taqasusay buburinta Baarlamaankii Sideedaad, waxaan kula talinayaa dadkaasi inuusan war ka maqlin, annaga Mooshin kaama wadin, xaq ayaan u leenahay inaan kula xisaabtano, dhulka dhig xaajada.” Ayuu yiri Jawaari.