Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee BJFS Sacdiyo Yaasiin Xaaji oo kulan ay la qaadatay qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed kala hadalshay Khudbad saameyn yeelatay oo ay dhawaan jeedisay.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka MSS Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta kulan la yeelatay qaar ka mid Culimada Soomaaliyeed kuwaas oo kala hadlay arrimaha buuqa dhaliyey isla markaasine Baraha Bulshada lagu faafiyey ee ahaa hadal ay dhawaan jiidiasay.

Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin oo Culimadda uga mahadcelisay sida ay u soo aqbaleen casuumaadeeda ayaa waxa ay Bulshada iyo Cumimadda Soomaaliyeed uga warbixisay Hadal jeedinteedii daah-furka ol’oliha 16-ka maalmood ee Tacadiyadda ka dhanka ah ee Haweenka & Carruurta, iyadoo sheegatay in hadaladeedii Baraha Bulshada si weyn loo wareejinayo sidoo kalane si qaldan Bulshada Soomaaliyeed loogu fasiray.

Guddoomiye Sacdiyo ayaa ugu dambeyn Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday ilaalinta Shuruucda dalka u dagsan iyo in meel loogu soo wada jeesto tacdiyada loo geeysto Haweenka iyo Carruurta yaryarka ah, waxaana ay markale carrabka ku adkeysay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo dhowrida diinteena Islaamka ee Suuban.