Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Golahaha Shacabka Oo kulan laqaatay Madaxda maamulda koofur galbeed iyo hirshabeele

Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Ahna Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Golahaha Shacabka Mudane Cabdi wali ibraahim Sh.Mudey ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Kulankan ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada Ee Villa Hargeysa ayaa ahaa mid isxog-wareeysi iyo Soo dhaweyn Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Labadda Madaxweyne ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo kala duwan ka waday Magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulmaayeen Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya , maamul goboleedyada iyo Beesha Caalamka.