Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa xalay waqti dambe booqday qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay qaraxa iyo weerarka is dhinac socday ee ka dhacay Xeebta Liido Degmada Cabdicasiis.
Warbixin la xiriirta Xaaladda Caafimaad ee Bukaannada jiifa Isbitaallada ayuu ka dhagaystay qaar kamid ah Dhaqaatiirta gacanta ku haysa kiisaskooda si uu ogaado inta uu gaarsiisan yahay dhaawacaas sida ay sheegeen xubno katirsan maamulka Dowladda Hoose ee Xamar.
Dhaqaatiirta Caafimaadka ayuu kula dardaarmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho in intii karaankooda ah ay dedaalaan si loo daweeyo bukaannada dhaawacyada soo gaaray ee jiifa Isbitaallada.
Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu daweynayaa bukaanno dhaawacyo kala duwan qaba kuwaas oo waxyeello kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Xeebta Liido Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.




