Gudoomiye Muungaab oo Magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Kaaraan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta wareegto rasmi ah ku magacaabay Maxamuud Cabdullaahi Cumar guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Magacaabistan ayaa timid kadib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee degmada Kaaraan, Faarax Cadaani Maxamed, oo xilkan hayay muddo. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in isbedbeddelka lagu sameeyay hoggaanka degmada uu qayb ka yahay qorshe guud oo lagu dardargelinayo adeegyada bulshada iyo horumarinta maamulka degmada.
Guddoomiye Muungaab ayaa guddoomiyaha cusub u rajeeyay in Alle xilka u fududeeyo, isagoo si gaar ah uga mahadceliyay dadaalkii iyo shaqadii uu soo qabtay guddoomiyihii hore. Sidoo kale, waxa uu ku dhiirrigeliyay guddoomiyaha cusub inuu ka shaqeeyo nabadda, horumarka iyo adeegyada bulshada ee degmada Kaaraan.