Gudoomiye yaasha Baarlamanaa Hirshabeele iyo Galmudug Oo kulmay

Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Barlamaanka Dawlad Gobaleedka Hir-shabelle Cusmaan Barre Maxamed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galkudug Maxamed Nuur Gacal,waxaana kulanka mid ay Is xog wareysteen xaaladda labada Dawalad Gobaleed, labada Baarlamaan, Dawladda Federaalka iyo Gobalka Benaadir,sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay uga hadleen xaalada dalka iyo labada Dowlad Goboleed, iyaga oo kasoo saaray qodobo ay ku heshiiyeen oo kala ay ka kamid yihiin.

1. In labada Baarlamaan ee Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay yeeshaan Iskaashi iyo wada shaqeyn buuxda.

2. In si wadajir ah loogu Hambalyeeyo lana Bogaadiyo Shacabka iyo Maamulka Gobalka Benaadir oo helay Xuquuqdii ay ku lahaayeen Matalaada Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka, loona Mahad-celiyo Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Federaalka oo u galay dadaal dheer kana mira dhaliyey.

3. In si wadajir ah loo Bogaadiyo gacanna lagu siiyo Golayaasha Federaalka iyo Guddiga Doorashooyinka Qaran dadaalka weyn ee ay ugu jiraan sidii dadka Soomaaliyeed ay usoo dooran lahaayeen Wakiiladooda ku Matalaya labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka, loogana gudbi lahaa doorasho dadban oo danbe.

4. In wadajir looga qeyb-galo Shirka Madaxweyne Farmaajo ku Casuumay Madaxweyne-yaasha Dawlad Gobaleedyada 5 – 8 bisha Luulyo 2020, kana soo baxaan go’aanno dadka iyo dalka Soomaalyeed u aayaan.

5. In la sii wado kulamadii iyo shirarkii is kaashi ee Golayaasha Xeer-Dejinta Federaalka iyo Dawlad Gobaleedyada lana fuliyo Heshiisyadii horay loo wada gaaray.