Gudoomiyihii Barlamaanka Koofur Galbeed oo xil loo magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa DR C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka oo nuqul kamid ah la soo gaarsiiyay Warbaahinta ayaa lagu magacaabay Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye in uu noqdo wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr Go) oo horey u haayay xilkaasi wasiiru dowlanimo.

Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye wuxuu horey u ahaa guddoomiyihii golaha Wakiiladda ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,xilkaasi oo dhawaana loo doortay Amb Cali Sigiid Hiqi oo horey u ahaa isna Danjirihii Soomaaliya ee Midowga Yurub.

  1. Magacaabista xilka wasiiru Dowlaha Wasaaradda ganacsiga guddoomiyihii golaha Wakiiladda ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Baraha bulshada lagu faafiyey Warbaahinta qaarkoodna ay qoreysay in uu Xabsi guri ku yahay Magaalada Baydhabo.