Gudoonkii hore Ee Baarlamanka Oo Ka tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Boqore

Guddoomiyaha hore ee golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo shalay ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Marxuumka Alle uga baryay inuu naxriistiisa janno uu ka waraabiyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelkii iyo qaraabdii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Alle ha u naxariistee Marxuumka uu ahaa muwaadin dadkiisa iyo dalkiisa jecel islamarkaana mar walba u taagnaa horumarinta dowladnimada Soomaaliya.