Gugddiga doorashada Gud. baarlamaanka Galmudug oo shaaciyay xilliga doorashada

Kulan xalay magaalada Dhuusamareeb ay ku yeesheen guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxa ay ku shaaciyaan jadwalka doorashada gudoomiyaha baarlamaanka.

Guddiga ayaa sheegay qabashada codsiyada xubnaha musharaxiinta inay bilaabaneyso maanta oo taariikhda ay ku beegaan tahay 20 September, ayna ku egtay maalinta Sabtida ah oo taariikhdu tahay 22-ka bishan.

Waxay kaloo sheegeen guddiga in 23-ka bishan xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ay su’aalo weydiin doonaan xubnaha musharaxiinta guddoomiyaha baarlamaanka, kulan ka dhacaya xarunta baarlamaanka.

Xubnaha musharaxiinta xilka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xildhibaanada Galmudug waxa ay 24-ka bishan maalin Isniin ah ka hor jeedin doonaan khudbadahooda, iyo qof walba waxa uu qabanayo hadii uu ku guuleysto xilka.

Xoghayaha gudiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Xildhibaan Mire ayaa ugu dambeyn sheegay 25-ka bishan maalin Talaado ah in la qaban doono doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, isla maalinkaasna la dhaarin doono guddoomiyaha cusub.