Guriceel oo yeelanaya garoon lagu ciyaaro kubadda cagta

Waxaa heer gabagaba ah maraya dhismaha garoonka kubadda cagta shimbira oonshe ee Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo 12 Bisha February ee sanadkaan ay dhagxdhigeen Wasirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Galmudug iyo masuuliyiin kale waxaana tan iyo markaas wixii ka danbeeyay lagu howlannaa dhismaha garoonk dhismaha garoonka oo loo dhisayo si heer caalami ah.

gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin ayaa maanta kormeeray garoonka kubada cagta Degmada Guriceel asgoo bogaadiyay shaqadda wanaagsan ay hayaan Eng iyo dhamaan shaqaalaha ku howlan dhismaha garoonkaan baaxadda leh, ee loo dhisayo bulshada degmada Guri-ceel gaar ahaan bahda sports-ka.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale shaqaalaha kula dar-daarmay in ay sii labo jibaaraan da’daalkooda ku aadan dhismaha garoonka si dhowaan loo helo garoon heer caalami ah oo ka qayb qaata hormarka bahda ciyaaraha.