Guryo dib Udayactir lagu Sameeyay Oo lagu Wareejiyay dad Shacab ah

Wafdi  isugu jiray wasiirro iyo xildhbaano oo uu hoghaaamineyy Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ibraahin aadan Cali Najax ayaa gaaray deegaanka Sabiid Caanoole ee gobolkaasi,iyagoo u kuurgalayay xaaladaha bulshada deegaankaasi.

Ibraahim Aadan  Najax guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Warbaahinta u sheegey in safarkiisa ay qeyb ka ahaayeen wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Isaq Abow, wasiirka Amniga gudaha KGS Mudane Isaq Ali Subug iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Waxaan gaarnay deegaanka Sabiid iyo Caanoole si aan xariga ugu jarno mashaariic la soo gaba gabeeyay kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameeyay 70 guri oo shacab danyar ah ay leeyihiin iyo masaajid kaas oo ay bur buriyeen Alshabaaab. Ayuu yiri Gudoomiye najax.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali najax ayaa  Sidoo kale waxaa u Sheegey in deegaanka sabiid ay ka hergeliyeeen nalalka cadceeda ku shaqeeya taas oo wax badan kusoo siyaadisay ganacsiga, bilicda, Amniga magaalada gaar ahaan xiliyada habeenkii.