Guudlaawe oo booqdey xarunta sodma.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa uu booqasho ku tageen Xarunta Dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxana xaruntaan ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Md.Maxamuud Macallim Cabdulle.
Guddoomiye Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha Hirshabeelle dedaallada ay hay’adda ka wado guud ahaan degaanada Hirshabeelle ee ah gargaar siinta kuwa dantayar, in hay’adda SODMA shixnado gargaar ah ay gaarsiisay qaar ka mid ah deganada maamulka Hirshabeelle, taas oo iskugu jirta maacuun, bacaha roobka laga dugsado, bustayaal, jiingado, qalabka dhismaha, si haddii ay waxyeello timaado Alle ma qadaree ay dadka gabaad uga dhigtaan.
Gabogabadii Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay hay’adda SoDMA shaqada ay ka qabatay degaannada Hirshabeelle xilligii ay jirtay xaladihii El-Niño iyo sidii ay ugu gurmatay shacabka intii lagu guda jiray xorreynta deeganada maamulka, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta SoDMA la wadaagay in hadda ay billaw yihiin roobabka gu’ga ah saamayn fataahadahana ay ka jiraan qaar ka mid ah deganada Hirshabeelle, waxa uuna ka codsaday hay’adda SoDMA in ay u diyaar garoobaan badbaadinta dadkaas dantayar.