Guutada 14-ka October iyo Saaxiibada AUSSOM oo Ballanqaaday in la Dardar-geliyo Howlgallada Shabeellaha Hoose

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye iyo dhiggiisa AUSSOM ee Aagga Magaalada Marka oo kulan ku yeeshay deegaanka Ceel-jaalle ayaa kawada hadlay guulihii ugu dambeeyay ee Geesiyaasha Qarankeenna iyo Saaxiibada AUSSOM ay ka gaareen howlgallada Khawaarijta looga sifeeyay deegaanno muhiim ah oo dhaca jiinka Webiga ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Labada Taliye Guuto ayaa sidoo kale isla meel dhigay in la sii xoojin doono wada shaqeynta labada dhinac ee Xoogga Dalka iyo AUSSOM, waxayna adkeeyeen in halkooda ay ka sii socon doonaan howlgallada ay sida joogtada ah uwada fuliyaan Guutada 14-ka October iyo Saaxiibada AUSSOM.