Hadal Jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha KGS Oo Bilaabatay

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Xarunta Baarlamaanka maamulkaasi ayaa waxaa goordhow ka bilaabatay Khudbad jeedinta Musharaxiinta Madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed.

Musharaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Khudbaha jeedinaya ayaa ah Saddex Musharax oo kala ah

1:Aadan Maxamed Nuur (Saransoor)

2:Ibraahim Macalin Nuur

3 :Xuseen Cismaan Xuseen

Ammaanka Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay,waxaana sugida amniga ka qeyb qaadanaya Ciidamadii dhawaan la geeyay Magaaladaasi iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.