Hanti dhawraha qaranka oo maanta hortagaya xildhibaanada golaha shacabka

Xildhibaanada baarlamaanka golaha shacabka ayaa maanta waxa ay kulan ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, kadib markii xalay xildhibaanada lagu wargeliyay in maanta oo Isniin ah uu jiro fadhiga baarlamaanka.

Kulanka oo ah midkii caadiga ahaa ee ay yeeshaan xildhibaanada ayaa ajandihiisa wuxuu yahay aqrinta koowaad ee dib u eegista hindise sharciyeedka hanta-dhawraha.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa hortagay hanta-dhawraha guud ee qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa todobaadkan bilawgiisa soo gaba gabeeyay hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, horumarinta dhismayaasha iyo maamulka dhulka.

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sidii caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka ku dhaw xarunta golaha shacabka, waxayna baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowladda ee halkaasi maraya.