Hantidhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay Masuuliyiinta sare ee xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, kan Golaha Shacabka, iyo Xafiiska Aqalka Sare ee JFS.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay natiijooyinkii muhiimka ah ee dhawaan ka soo baxay baarista Xafiiska Hantidhawrka Guud, warbixinnadii dhawaan lala wadaagay hay’adahaas iyo sidii loo dardargalin lahaa dhaqangalinta talooyinka uu Xafiisku bixiyay.
Ugu danbeyn, kulanka ayaa la iskula meeldhigay sidii loo sii xoojin lahaa isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’adaha iyo dowlad wanaagga.
