Haweenay Soomaali ah oo ku dhimatay shil gaari dalka Mareykanka

Ciidamada Booliska dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in shil gaari ay ku dhimatay Haweenay Soomaali ah todobaadkaan gudihiisa,waxaana uu Shilkaan dhacay magaalladda BURLNGTON ee gobolka  VERMONT.

Taliyaha Booliska degaanka uu shilku ka dhacay ayaa sheegay in ay dhimatay haweeneydaasi ka dib markii ay  iska tuurtay gaari yar oo ay la socotay, xilli uu gaarigu ku dhacay gaari weyn.

Haweynda Soomaalida ah ayaa lagu magacaabi jiray  Luul Cali Guure oo 29-jir ahayd , waxaana ay aheyd Hooyo heysata todobo Carruur ah.

Luul ayaa sanado badan ku nooleyd dalka Mareykanka sidda ay xaqiijiyeen Booliska.

Booliska ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen wadihii gaariga ay iska tuurtay Luul,islamarkaana ay ku waddaan baritaano kala duwan.