Shil gaari oo sababay geerida haweeney lagu magacaabo Maryan Maxamuud Culusow, oo 60 jir ahayd, ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Gaariga shilka geystay oo noociisu yahay Ina-tareey ayaa la sheegay inuu si xowli ah kusoo galay guriga ay ku sugneyd marxuumadda, kaddib markii uu darawalku waayay bareegga.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga rarnaa isla markaana darawalku isku dayay inuu la wareego xakameyntiisa, balse uu ku dhacay guriga iyo maqaayad ku dheggan, taasoo sababtay dhaawaca afar qof oo kale.
Shilka ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Howlwadaag, meel aan ka fogeyn saldhigga booliiska degmadaas. Ciidamada ammaanka ayaa markiiba gaaray goobta, waxayna xireen wadadii shilka uu ka dhacay, halka maydka marxuumadda loo qaaday xarunta CID ee dambi baarista.
Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa sare u kacay tirada shilalka ay sababaan gawaarida xamuulka ee Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa ka cabanaya darawallada oo aan si buuxda u hubin xaaladda gaadiidkooda, gaar ahaan bareegga, taasoo keentay shilal dhimasho iyo dhaawacba leh