Haweeney Cirbad Ku Durtay Darawal Mooto Bajaaj Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Xarunta Demi-baarista ee CIDA-da ayaa waxaa haatan lagu haayaa Haweeney la sheegay in Wiil Darawalka ah Mooto Bajaaj ay Cirbad ku durtay xili uu marayay agagaarka Isgoyska km4 ee M/Muqdisho.

Dhacdadaan oo aad looga yaabay ayaa Goobjoogayaal waxa ay sheegaayn in Wiilka ay Haweneyda u saarneyd mootada basle markii dambe ay cirbada ku durtay.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in haweeneydii iminka lagu haayo Xarunta Dembi-barista CIDA-da,iyda soo sidoo kale Goobta uu ku sugan yahay Wiilkii Darawalka Mootada ka ahaa oo qeylinaya.

Lama oga cirbada ay Wiilkaas haweyda ku durtay waxa ay tahay,mana ahan mid ku cusub Magalada Muqdisho,waxana mid la mid ah ay dhacday horaantii Bishii la soo dhaafay ee Maarso Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.