Haweeney lagu helay Inay Gabdhaheeda Ku Sameysay Gudniinka Fircooniga Oo La Xukumay

Maxkamadda Federalka ee dalkaasi ayaa xaqiijisay Xukun ay Maxkamad Heer Gobal horey ugu riday Haweeney Soomaali ah oo lagu helay inay 2 gabdhood ay dhashay u dhoofisay Somalia si loogu soo sameeyo Gudniinka Fircooniga oo mamnuuc ka ahaa  dalka Switzerland iyo inta badan dalalka aan Muslimka ahayn.

Haweeneydaasi oo aan magaceeda la shaacinin ayaa la sheegay in lagu xukumay Xabsi 8 bilood ah, waana Xukunkii ugu horreeyey ee  Kiiskaasi ee ka dhaca dalka Switzerland.

Xukunkaasi oo dhacay shalay oo Jimco ahayd waxay Maxkamadda Federalka ee dalkaasi ku gacan-sayrtay sheegasho ay Haweeneydaasi ku sheegtay inaysan ka war haynin inuu Gudniinka fal Dembi ah ka yahay dalka Switzerland.

Gabdhaha ay Haweeneydaasi dhashay ee lagu sameeyey Gudniinka FGM ayaa la sheegay in sannadihii 2013-kii iyo 2015-kii loo dhoofiyey dalalka Somalia iyo Somalia, si loogu soo gudo, waa sida ay Dacwad-oogayaasha u gudbiyeen Maxkamadda.

Hooyadda Soomaalida ee xukunka lagu riday ayaa la sheegay inay ku nooshahay Gobalka Nejutel ee dalka Switzerland ee looga hadlo Luqadda Faransiiska

Haweenydaasi ayaa la sheegay in Somalia loo soo dhoofin doono marka ay dhamaysato Xukunka 8-da bilood, halka ay carruurteeda la joogi doonaan Aabahooda oo isna ku nool dalka  Switzerland.

Sannadkii hore DFS waxay bilowday kiiskii ugu horreeyey Dacwadda Gudniinka FGM, kadib, markii ay gabar 10-jir ah u geeriyootay markii lagu sameeyey Gudniin nooca FGM.

Si kastaba ha ahaatee, 55 million oo gabdho ku nool Qaraadda Afrika ayaa lagu sameeyey gudniinka FGM, iyadoo Somalia heerka ugu sarreeyo kaga jirto Gundniinka noocaasi ah oo 98%  gabdhaha lagu sameeyo Gudniinkaasi oo loogu dhaqmo dhaqan ahaan.