Haweeney Soomaali Oo Maxkamad la Soo taagay Dalka Kuwayt

Wargeyska maalinlaha ee Al-anbaa  ee ka soo baxa caasimadda dalkaasi ee Kuwait City ayaa qoray in Haweeney Soomaali ah la soo taagay Maxkamadda Dembiyadda ee dalkaasi.

Haweeneydaasi oo aan magaceeda la shaacinin ayaa la sheegay inay walaalkeeda mindi ku dishay bishii September 18-dii ee sannadkii hore.

Maxkamaddu waxay ku xukuntay Haweeneydaas xabsi 4 sanno iyo shaqo adag, kadib, markii ay ku caddaatay inay tooreey la dhacday walaalkeeda ilaa uu ka naf baxo.

Dhinaca kale, ilo dhanka Ammaanka ayaa u sheegay Wargeyska Al-anbaa in dhegeysiga dacwadaasi timid, kadib, markii  Xafiiska Dacwad-oogaha  dalkaasi u soo gudbiyey Maxkamadda Gal-dacwadeedka dilkaasi,

Haweeneyda dilka geysatay ayaa sheegtay inaysan doonaynin inay walaalkeeda disho, balse uu xanaaqu ka tan badiyey.

Wargeyska Alanbaa wax faahfaahin ah kama bixinin waxa ay isku qoonsadeen Haweeneydaasi iyo Walaalkeeda ay gacanteeda ku dishay.