Hawlgalka Ay Ciiddanka Badda Ee EU-Da Ka Wadaan Xeebaha Somalia Oo Xilliga Loo Kordhiyey.

Golaha Europe (The European Council) waxay isla ogaadeen in xilliga loo kordhiyo Ciiddanka Badda ee Europe ee ka hawl-gala Xeebaha Somalia tan iyo bisha December 31-da ee sannadka 2020-ka.

Qoraal la soo dhigay Websaytka Golaha Europe waxaa kaloo lagu xus

Xarunta Ammaanka Maraakiibta ee Geeska Afrika waxaa loo soo wareejin doonaa magaalladda Brest ee daka Farasniiska marka la gaaro bisha Maarso 29-da ee soo socda.

Sidoo kale, Taliska Ciiddanka Badda ee Hawlgalka Atlanta  oo haatan ku yaalla magaalladda London ee dalka Britain waxaa loo soo wareejin magaalladda Rota ee dalka Spain marka la gaaro bisha Maarso 29-da ee soo socda.

Dhinaca kale, Golaha Barlamaanka Europe waxay ansixiyeen Miisaaniyadda Hawlgaalka La-dagaalanka Burcadda ka qowleysata Xeebaha Somalia, taasi oo dhan 11.777 million oo EURO. Waxaana Kharajkaasi la adeegsan doonaa laga bilaabo bisha Janaayo 1-da ee sannadka soo socda ilaa 21-ka bisha December ee sannadka 2020-ka