Hay,ada Lacagta Aduunka ee IMF oo sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5aad Barnaamijka Deyn cafinta.

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saartay heerka qiimayntii ay ku sameysay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hada maraya heer gabo-gabo ah.

Guddiga Sare ee Hey’adda IMF oo shir gaar ah kalahaa arrimaha maaliyadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay ka gudubtay Barnaamijka ECF ee ahaa Dib-u-eegista 5-aad ee ku saleysnaa sharuudaha Deyn cafinta taasoo hadda ay fulisay Dowladda Soomaaliya dhammaan shuruudihii ku xirnaa hannaanka ECF-ka.

Hey’adda IMF ayaa ku boogadisay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay ugu go’an tahay dadaalada lagu xoojinayo qorshe-yaasha dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, xoojinta wadashaqeynta kala dhexeysa Deeq-bixiyeyaasha calaamiga ah iyo Hey’addaha kale ee Deymaha waa ku leh Soomaaliya. Warbixinta IMF ay soo saartay ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in la labo laabo daadalada lagu dar-dar galinayo kordhinta Dakhliga gudaha, iyada oo mudnaan loo siiyo beeqaaminta karashbixinta si loo yareeyo bixinta kharashaadka aan daruuriga ahayn.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo, Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka horumar laga sameeyay, hannaanka mideynta mushaar bixinta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey’adda IMF. Wasiirka Elmi ayaa sheegay in warka ka soo baxay IMF uu yahay mid wanaagsan oo ku dhiirigalinayo in Dowladdu ay sii xoojiso arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.

” Warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee IMF waa war wanaagsan. Arrimaha dib-u-habeyntu waxa ku socdaan waddadii saxd ahayd, waxaana naga go’an inaan aragno guulo badan inkastoo oo ay jiraan caqabado”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi.

IMF waxa ay sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku amaantay in ay xoojisay Maamul wanaagga iyo hufnaanta iyadoo horumar laga sameeyay hannaanka Iibka Qandaraasyada Qaranka iyo heshiisyada ay Dowladdu gasho.