Hay,ada NISA oo amar ay soo saartay uga digtay in Ganacsatada Soomaaliyeed la kulmi karin Alshabaab.

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka NISA ayaa uga digtay ganacsatada inay u hoggaansamaan amarrada Kooxda Alshabaab ay ku doonayaan inay ku boobaan hantidooda, kadibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hey’adda NISA oo nuqul kamid uu soo gaaray Radio Galgaduud ayaa lagu sheegay in Hey’adda NISA ay si dhow ula socoto isku dayo ay Alshabaab ugu yeereyso dad ganacsato ah deegaano hoos yimaada shabeelada Hoose.