Hay’adda HORN-AID Organization, iyadoo kaashaneysa Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), ayaa dhowaan qabatay tababar muhiim ah oo ku saabsan nabadda iyo maareynta khilaafaadka (Peace Building and Conflict Management), kaas oo ka dhacay degmooyinka Harardheere, Baxdo, iyo Wisil ee ku yaalla Dowlad-goboleedka Galmudug.
Tababarkan oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka.
Ujeeddada tababarka ayaa ahayd in kor loo qaado fahamka bulshada ee ku saabsan xalinta khilaafaadka, dhiirrigelinta wada hadalka, iyo ka hortagga rabshadaha. Intaa waxaa dheer, waxaa si qoto dheer looga dooday doorka bulshada ee sugidda nabadda iyo horumarinta xiriirka ka dhexeeya shacabka iyo hay’adaha ammaanka.
HORN-AID Organization iyo UNDP ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageerada barnaamijyadan la xiriira, si loo xaqiijiyo bulsho nabdoon oo si mideysan uga shaqeysa horumarka iyo xasilloonida deegaanka.