Hay’adda IMF oo 2.9 Bilyan oo Dollar ugu deeqday dalka Sri Lanka

Hay’adda Lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa sheegtay in ay heshiis la gaartay dalka Sri Lanka, si looga samatabixiyo dhibaatada dhaqaale ee dalkaas ka jirta, waxaana IMF ay sheegtay inay dalkaas siin doonto muddo afar sano ah, lacag gaadhaysa illaa $2.9 billion oo dollar.

Koox ka tirsan hay’adda IMF oo booqasho ku joogta dalka Sri Lanka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in heshiiska hordhaca ah ee ay la gaadheen dalkaasi inuu ku xidhan yahay inuu helo ansixinta maamulka sare ee hay’adda IMF.

Sri Lanka ayaa waajahaysa masiibo dhaqaale oo aad u daran, iyada oo ay dalkaas gabaabsi ka noqdeen shidaalkii, daawooyinkii iyo cuntooyinkii, ka dib markii ay aad u yaraadeen lacagihii qalaad ee ay debedda wax kaga soo iibsan jireen.

Dalkan ayaa hakiyey inuu bixiyo deyn gaadhaysa illaa 7 billion oo dollar oo ay dalal kala duwan iyo hay’ado kale ku leeyihiin. Wadarta deynta guud ee dalkan lagu leeyahay ayaa gaadhaysa illaa $51 billin oo dollar, taas oo $28 billion oo ka mida ay tahay in dib loo bixiyo sannadka 2028.

IMF waxay sheegtay in dhaqaalaha Sri Lanka la filayo inuu hoos u dhaco 8.7%, iyada oo sicir bararkuna uu kor u dhaafay 60%.