Hay’adda Isgaarsiinta Qaran oo soo dhaweysay isku xirka ama ay iswici karaan dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay shirkadaha isgaarsiinta dalka ku hirgeliyeen heshiiskii isku-xirka shabakadaha ee ay gaareen 5tii Disembar 2022.Waxaa heshiiskaas hirgeliyay qeyb ahaan shirkadaha Hormuud, Somtel, Amtel, SomLink, Golis iyo TeleSom.

“Hay’adda waxaa ka go’an dhamaystirka in si buuxda uu u hirgelo Maareeyaha ayaa uga mahadceliyay wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md Jaamac Xasan Khaliif, kaalintii hoggaamineed ee uu ka qaatay hirgelinta isku-xirka shirkadaha

Is-wicitaankan waxaa dammaanad-qaadday hirgelintiisa Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo fulineysa dhammaan shuruucda iyo xeer-nidaamiyeyaasha khuseeya arrintan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Hay’adda.

Ujeeddada laga leeyahay adeeggan waa sidii shacabka loogu fududeyn lahaa adeegyada isgaarsiinta dalka, loona dhiirrigelin lahaa tartan ku dhisan adeeg iyo qancin macaamiil.