Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo bilowday barnaamij tababar oo lagu xoojinayo amniga saaybarka ee shaqaalaha dowladda

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray barnaamij tababar ah oo loogu talagalay shaqaalaha dowladda si ay u helaan aqoonta, iyo shahaadooyin caalami ah oo ku saabsan Amniga Saaybarka.
Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa diyaarinta khubarada ICT-da ee hay’adaha dowladda si ay u helaan shahaadooyin caalami ah, taasoo kor u qaadaysa awooddooda ku aaddan ilaalinta xogta qaranka iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka.
Maareeyaha Guud oo ka hadlay daahfurka “Tababarkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee lagu xoojinayo ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka, sugidda amniga xogta, iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka. Sidoo kale, barnaamijku wuxuu gacan ka geysan doonaa dhisidda awoodda shaqaalaha dowladda si ay u ilaaliyaan nidaamyada iyo adeegyada dhijitaalka ah ee qaranka.”
Maareeyaha Guud ayaa sidoo kale la dardaarmay ka-qaybgalayaasha, isagoo ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana u adeegsadaan aqoonta ay helaan ee horumarinta amniga dhijitaalka ah.