Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya iyo Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Madasha Wadahadalka Istiraatiijiga ah ee Maalgashiga, oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya iyo bangiyada dalka, iyo sidii loo kobcin lahaa fursadaha maalgashi iyo mashaariicda u baahan maalgelinta.
Madasha ayaa lagu falanqeeyay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, baahiyaha maalgelinta, mashaariicda u diyaarsan maalgelinta iyo doorka bangiyada Soomaaliyeed ee taageeridda maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu saleeyay mudnaanta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo dadaallada lagu xoojinayo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loo eegayay doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha maaliyadeed.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya, Faysal Aadan Xasan, oo ka hadlay madasha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la isku xiro fursadaha maalgashi ee dalka iyo awoodda maalgelinta ee hay’adaha maaliyadeed.
Waxa uu tilmaamay in iskaashi dhow oo dhex mara hay’adaha maalgashiga iyo bangiyada Soomaaliyeed uu muhiim u yahay sidii loo heli lahaa maalgelin ku filan oo lagu hirgeliyo mashaariicda maalgashi ee dalka, loona abuuro fursado cusub oo kobcin kara dhaqaalaha.
Sidoo kale, Dr. Axmed Khadar Cabdi Jaamac, Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay doorka bangiyada dalka ee taageeridda maalgashiga iyo kobcinta ganacsiga.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan iskaashi oo wax-ku-ool ah, kaas oo fududeynaya maalgelinta mashaariicda iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa wax ka tari kara kobaca dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo.
Madasha ayaa sidoo kale fursad u noqotay in hay’adaha maalgashiga iyo bangiyada Soomaaliyeed ay ka wada hadlaan caqabadaha jira iyo sidii loo horumarin lahaa hannaan maaliyadeed oo fududeeya helitaanka maalgelinta mashaariicda ganacsiga iyo maalgashiga.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, gaar ahaan xiriirka ka dhexeeya hay’adaha maalgashiga, bangiyada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya iyo Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta, si loo dhiirrigeliyo maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah, loona abuuro jawi taageera kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.