Dowlada Soomaaliya Ayaa Shaacisay in ay Gacanta kusoo Dhigtay Nin lagu Magacaabo Sufyaan kuna magac dheer [sheikh taakeeye] kaasi oo dhawaan mar uu kasoo muuqday baraha bulshada sheegay in ciidamada soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda AS uusan ahayn dagaal xaq ah uuna yahay baadil
war kasoo baxay hay,adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee nisa oo lagu baahiyay warbaahinta dowlada ayaa lagu yirir
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, {Taakeeye } oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Khawaarijta.
Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay Magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.