Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidamada Ammaanka.
Xubnahaan isa soo dhiibay ayaa kooxda Khawaarijta uga tirsanaa qaybta jabhadaha, waxaana ay warbixin ka bixiyeen hab-dhaqanka gurracan ee kooxda, oo ay ku tilmaameen mid ku saleysan boobka hantida shacabka, afduubka iyo adeegsiga carruurta yar yar, iyo beenta ay faafiyaan iyagoo magaca Diinta ku marin habaabinaya bulshada.